Since 1960 – budhcad gaadhi ka afduubtay hargeysa oo lagu qabtay hartha magaalada harta sheekha ee itoobiya

Budhcad Gaadhi Ka Afduubtay Hargeysa oo Lagu Qabtay Hartha Magaalada Harta Sheekha ee Itoobiya

Friday, 28 March 2008

Allay baday (SN)- Budhcad baabuur ka soo afduubtay magaalada Hargaysa afar habeen ka hor ayaa lagu qabtay deegaanka magaalada Harta Sheekha ee  KILIKA Shanaad ee Itoobiya.

Nimankan budhcada ahaa ayaa  qabashadooda ka hawl galeen Ciidamada Booliska Degmada ALLaybaday oo ay horkacayeen Guddoomiyaha iyo Taliyaha Degmada Allaybaday ayaa waxay muddo laba habeen ah ugu maqnaayeen deegaanka Harta sheekha,   halkaas oo ay nimankan budhcada ahi u fakadeen, kuwaasi oo baabuurkii kaga yaacay meel waxogaa u jirta magaalada Durya,  kadib markii dad Deegaanka ahi garteen baabuurka oo ay lahayd Hay’adda Wadaniga ah ee Xuquuqul Insaanka ee SHURO NET oo ahaa baabuurta yar yare e loo yaqaano  mark2 LJ

Dadkaasi  gartay baabuurka ayaa ka war hayay baadigoobka loogu jiray baabuurkaasi  , waxana ay isku  dayeen Budhcadaasi  in ay si gaar ka iibsadaan Tuulada la yidhaahdo Durya oo Koonfur kaga toosan Allaybaday , waxana ay isku dayeen dadkii tuuladaasi ku noolaa siddii ay u qaban lahaayeen Baabuurka ,  balse waxa ay ka baqeen in ay budhcadaasi hubaysan tahay,kadibna waxa dareen galay budhcadii oo isku dayday in ay baxsadaan balse waxa baabuur ka soo daba kaxaystay dadkii joogay durya  xaga horena waxa kaga yimid booliska Allaybaday,kadibna waxa baabuurkii ka cararay Budhcadii wadatay iyada oo wakhtigaasi ay ahayd goor habeen ah ayaa ay u suuro gashay  budhcadaasi in  firxadkii ku galeen Magaalada Harta Sheekha,kadibna hawlgal ay wada sameeyeen  Degmooyinka  Qabribayax, Aw bare iyo Booliska allaybaday ayaa lagu soo qabtay nimankaasi, nimankaasi oo ahaa 4 nin balse   la soo qabtay saddex ka mid ah budhcadaasi  ayaa mar aan shalay tagay saldhiga booliska Allaybaday oo ay ku xidhnaayeen  uu iigu sheegay taliyaha saldhigaasi Mr. C/LAAHI CAYDIID ODOWAA,magacyadooda

 

Axmed Maxamed Maxamuud ‘’Guun’’

Naasir C/laahi Cige

Faysal Aadan Saxar

  

By: Ismaaciil Cabdi Muxumed

Allay-baday / Somaliland

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *